2 qof oo lagu dilay dalka ethiopia

Waxaa maanta dalka Ethiopia lagu dilay toogasho laba qof xilii ay sii xoogsanayaan banaanbaxyada dalkaas ka socdaa kaas oo looga soo horjeedo fanaan dhawaan la dilay.
7 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen rabashadihii maanta mar kale ka dhacay Ethiopia
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka Itooobiya ugu baaqay in xasilooni ay muujinayaan isla markaana ciidammada ay kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.
Waxaa uu ku tilmaamay dilka fanaanka ‘dambi weyn.
Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabaddii lagu aasaayay fanaanka xilli halkaas ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka Hachalu.
Abiy Axmed wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaabo kasta oo looga hortaggayo rabshadaha haatan harreeyay dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here