2 qof oo lagu dilay gobolka Kashmiir

Laba qof, oo uu ku jiro sarkaal boolis ah iyo qof hubaysan aya alagu dilay gobbolka lagu muransanyahay ee Kashmiir.
Dadkani ayaa la dilay kadib markii uu isku dhac ka dhacay maanta degmada Baramulla.
Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada ee Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in kiiskaasi uu salka ku hayo ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee Hindiya ay ka geysaneyso aqlabiyada muslimiinta ee Kashmir, oo labada dal ay ku andacoonayaan in ay si buuxda u leeyihiin maamulka gobolkaa ka jira.
Pakistan ayaa sheegtay inay muranka ay la leedahay India ee ku saabsan Kashmir u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, ka dib markii New Delhi ay ka laabatay maqaamkeedii gaarka ahaa ee qayb ka ahayd gobolka horaantii bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here