2 qof oo lagu dilay Lamu

Wararka naga soo gaaraya degmada Mpeketoni ee ismaamulka Lamu gobolka xeebta ee dalka ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay wiil iyo aabihii.
Waxaa xaafadda Mulei falkan ka gaystay mid ka mid ah xubnaha qoyska oo baangad ku soo weeraray.
Wiilka aabihii iyo walaalkii dilay oo 22 sano jir ah ayay wararku sheegayaan in uu in muddo ah reerka ka maqnaa.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in hadda eedeysanaha uu ku jiro gacanta booliska iyadoo saraakiisha ammaanka ay baaritaano dheeraad ah wadaan si loo xaqiijiyo sababta keentay inuu dilka ku kaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here