2 qof oo loo xiray weerarkii Vienna

Saraakiisha ammaanka ee dalka Austria ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo qof oo lala xiriirinaya weerar laga gaystay bartamaha magaalada Vienna.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 4 qof ay ku dhinteen falkaas oo ay dowladda Austria ku tilmaantay mid argagixiso.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Austria Karl Nehammer ayaa shir jaraaid ka sheegay in boolisku ay toogteen mid ka mid ah kooxdii weerarka soo qaadday.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here