20 qof oo ajaaniib ah oo maxkamadda la soo taagayo

Waxaa maanta la filayaa in maxkamadda ay ka soo hormuuqdaan 20 qof oo ajaaniib ah oo dhawaan la xiray kaddib markii lagu eedeyay inay wadanka si sharci darro ah ku joogaan.
16 dadkan ka mid ah ayaa la xiray xilli ay ku soo wajahnayeen magaaladatani Nairobi iyagoo ka soo safray dhanka Moyale.
Waxay isugu jiraan 9 dhalasho ahaan ka soo jeeda Itoobiya iyo 7 Congoliis ah oo 5 carruur ah ay ku jiraan.
Baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in kuwa u dhashay Congo ay ka soo carareen xero qaxooti oo ku taalla dalka Uganda.
Eedeysanayaasha waxaa sido kale ka mid ah afar Eritrean ah oo ay da’dooda u dhexeyso 20 ilaa 25 sano oo marka la qabanayay ku sugnaa xarunta ganacsiga ee Turbi ee waqooyiga ismaamulka Marsabit.
Hasa ahaate waxaan weli caddeyn inay yihiin dhibanayaal la doonayay in wadan kale loo sii tahriibiyo.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa warbixin ay horay u soo saartay ku sheegtay in Kenya ay ka mid tahay wadamada laga gudbiyo tahriibayaasha.
In kastoo dowladda Kenya ay ku dadaalayso inay wax ka qabato socdaalka sharci darrada ah haddana waxaa loogu baaqay inay dadaladeeda sii laba laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here