20 qof oo ku dhaawacmay shil tareen oo ka dhacay Faransiiska

Wararka naga soo gaaraya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in ilaa 20 qof ay dhaawacyo soo gaareen kaddib markii uu khadka ka baxay tareen culus.
Waxaa uu marayay inta u dhaxaysa magaalada Strasbourg ee bariga Faransiiska iyo caasimadda dalkaas ee Paris.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawaca mid ka mid ah dadka uu aad u daran yahay.
Tareenka ayaa marka uu shilka galayay waxaa uu siday 348 qof oo rakaab ah.
Sannadkii 2015, ayay ahayd markii tareen ah nooca kani ee TGV oo gadoomay ay ku dhinteen 11 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here