20,000 oo qof oo Maraykanka ugu dhimatay cudurka Coronavirus

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee gudaha Maraykanka ugu dhintay cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Ilaa iyo hadda waxaa halkaas laga diiwaangeliyay dhimasho gaartay 20,071 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo xaaladda dunida ka taagan si dhow ula socoto.
Guud ahaan dunida waxaa cudurka u dhintay 108,000 oo qof
In ka badan 1.7 milyan oo kiisaska la xiriira cudurkan ayaa la xaqiijiyay.
Dhanka kale hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in iyadoo aan laga fiirsan Meesha laga saaro xayiraado dhanka isku socodka ah oo ay dowlado badan shacabkooda ku soo rogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here