21 ka mid ah ismaamullada dalka oo aan ka soo bixin shardi lagu xiray

Ilaa iyo hadda 21 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay ayaan ku guulaysan inay diyaariyaan ugu yaraan 300 oo ah sariirada gaarka u ah cudurka COVID19.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay in dowladda deegaanada laga doonayo inay arrinkan fuliyaan.
26 ismaamul ayaa diyaariyay sariiradan halka inta kale ay codsadeen ilaa 22-ka bishan Toddobaad.
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ahna hoggaamiyaha Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay inuu jiro dadaal ku aadan u hoggaansanka amarkii madaxweynaha.
Mr Oparanya ayaa xusay in 38 ka mid ah ismaamullada dalka ay tababaro siiyeen 19,177 oo ah howlwadeenada caafimaadka iyo 64,283 ka mid ah shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka bulshada.
Guddoomiyaha COG ayaa intaa ku daray in 933 qof ay ku jiraan goobaha karantiilka ee dowlad deegaannada ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here