21 kiisas la xiriira xatooyada imtixaanaadka oo la soo tabiyay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la soo tabiyay 21 kiis oo ku saabsan wax isdaba marin dhanka imtixaanaadka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Prof. Magoha ayaa dhanka kale xusay in gacanta lagu dhigay 90 ka mid ah taleefoonada gacanta oo ay ardayda isticmaalayeen.
Horay ayay ahayd markii ilaa 300 oo ka mid ah dugsiyada dalka la sheegay inay qorsheynayaan inay imtixaanaadka xadaan.
Meelaha kiisaskan qishka laga diiwaangeliyay ayuu wasiirka tacliinta ku sheegay Nairobi, Kisii, Migori, Homa bay, Wajeer iyo Garissa.
Waxaa sannadkan 2019-ka imtixaanaadka KCSE-da u fariistay arday tiro ahaan dhan 699,745.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here