210 xaaladood oo ah Covid-19 oo laga diiwan galiyay dalka

Xaaladaha Viruksa Corona ee dalka ayaa gareen 38,923 ka dib markii la diiwaan galiyay 210 kiis oo cusub afar iyo labataankii saac ee la soo dhaafay.
Wasiirka Caafimadka Mutahi Kagwe ayaa shaaciyay in 7 bukaan ay u heeriyoodeen xanuunka kana dhigeyso wadarta guud 725.
Waxa sido kale xanuunka ka caafimaaday 91 oo ka dhigeyso wadarta guud 25,114. Bukaanadan 77 ka mid ah waxa lagula taclay guryaha halka 14 laga soo saarat xaruumaha caafimaad.
Shan ka mid ah bukaanada waa ajaaniib, halka kuwa kale ay Kenyan yihiin. Da’adoodu waxay u dhaxeysa shan sano ila 95 sano. 69 ka mid ah waa dumar halka 141 ay
Kiisaskan waxa laga diiwaan galiyay ismamulada kala ah Nakuru 75 ,Nairobi 37, Mombasa 15, Trans Nzoia 13 iyo Kakamega 11.
Kilifi iyo Uasin Gishu ayaa midkiiba laga helay 8 kiis , Kisumu Kiambu iyo Machakos 7 kiis Bungoma 5, Kisii 3, iyo Elgeyo Marakwet, Nandi 2 midkiiba.

Taita Taveta, Kajiado, Meru, Murang’a, Kericho, Baringo, Laikipia, Embu, Vihiga iyo Narok ayaa dhamantood waxay diiwaan galiyeen min hal kiis.
Ila manata, waxa dalka laga baaray Viruska Corona 555,711. Kenya ayaa kiiskii ugu horeeyay diiwana galisay 13-kii March laba bil ka dib markii laga xaqiijiyay magalada Wuhan ee dalka China.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here