22 ka mid ah wadayaasha gawaarida dadweynaha oo lagu qabtay inta u dhaxeyso Nakuru iyo Eldoret

22 ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyo lix ka mid ah kuwa dhugdhugleyda ayaa lagu qabtay Eldama Ravine oo ku taal wadada weyn ee Nakuru iyo Eldoret kuwaas oo lagu eedeyay in ay jaabiyen amarrada looga hortago cudurka
Arrinkan ayaa qeyb ka ah howlgaalo adag oo lagula dagaalamayo kuwa ka taga talabooyinka looga hortagayo faafidda cudurka iyo sharciyada taraafikada .
Madaxa booliska ee degmada Koibatek, Maxwel Agoro ayaa sheegay in la ogaaday in inta badan darawallada aysan heysan gacma nadifiiyaha loo yaqaana hand sanitizer iyo sidoo kale qalabka heer kulka jirka oo loo bahna in ay rakaabka ku firiyaan ka hor inta ay soo gaalin gudaha baabuurta.
Mas’uulkan ayaa ugu danbeyn sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan ila iyo inta laga dhaqangalinayo dhamman amareada looga hortaga cudurka iyo waliba sharciyada taraafikada.
Dhanka kale deegaanka Athi River ee ismaamulka Machakos ayaa albaabada la isugu dhuftay 10 ka mid ah baararka lagu caweeyo oo shaqeynayay kaddib xilliga bandowga habeenkii iyadoo aan la ilaalin amarrada ka dhanka ah cudurka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here