22 qof oo lagu dilay Cameroon

Qaramada midoobay ayaa shaaca ka qaadday in dilal laga gaystay gobolka anglophone ee dalka Cameroon lagu dilay 22 qof.
Waxaa dhacdada ay jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa ku tilmaantay xasuuq dadka ku dhintay ka mid ah 14 carruur ah.
Mucaaradka Cameroon ayaa dhanka kale dhibaatada dhacday ku eedeynaya ciidamada difaaca ee wadankaas.
Isku dhacyo saddex sano ka jirtay gobolka anglophone ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 3,000 oo qof waxaana guriyahooda ka barakacay in ka badan 700,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here