DHAGEYSO:22 qoysas ah oo ay saameyn soo gaartay kaddib dab ka kacay xaafadda Korogocho

Qoysas ay tiradoodu gaarayso 22 ayaa lagu soo warramayaa inay xaafadda Korogocho ee magaaladatani Nairobi hooy la’aan ku noqdeen.
Arrintan ayaa timid kaddib markii 10:40 daqiiqo ee xalay uu halkaasi dab xooggan qabsaday.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegtay in lagu guulaystay in dabka ugu dambeyn la damiyo hasa ahaate waxay dhaawacyo soo gaareen saddex qof.
Maanta oo Arbaco ah ayaa la filaya in qiimeyn iyo baaritaano dheeraad ah la sameeyo si loo ogaado sababta keentay in dabka uu xaafaddaasi saameeyo.
Qaar ka mid ah dadka ay guriyaha ka gubteen oo warbaahinta u warramay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here