DHAGEYSO:2,200 qoysas ah oo isaga baxay keynta Mau ee Narok

Bayaan ka soo baxay xafiiska dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Narok , ayaa lagu sheegay in ilaa iyo hadda qoysas ay tiradoodu gaareyso 2,200 oo degganaa keynta Mau ay halkaasi ka guureen.
Iyadoo lagu guda jiro wajiga labaad ee howlgalada 3,372 qoysas ah aynan weli u hoggaansamin amarkii dowladda.
17 qoys keliya oo ka mid ah kuwa guuray ayaa gudbiyay kiisas la xariira sidii ay dhulkaasi ku heleen.
Mutuku Mwendwa , guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaanka Narok ayaa qoysaska halkaasi isaga baxaya ku wargeliyay in haddii ay alaabtooda qaar ka mid ah uga tagaan keynta oo aynan doonayaan ina dib ugu soo laabtaan laga doonayo inay saraakiisha ammaanka ogeysiiyaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda ay si buuxda u dhaqangelin doonto howlgalada si ugu dambeyn halkaasi geedo loogu beero.

 

Mid ka mid ah qoysaska Keynta Mau deggan ayaa wacad ku maray inuuna meelna u socon

 

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda deegaanka Mr. Keriako Tobiko uu sheegay inaan marnaba laga daali doonin badbaadinta Keynta Mau.
Shacabka halkaasi sida sharci darrada ah ku degay ayuu ugu baaqay inay si iskood ah isaga guuraan ka hor inta dowladdu aynan si khasab ah ku rarin.
Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn iyo isqabqabsi siyaasadeed waxaana la filayaa in wajiga labaad ee howlgalada uu saameeyo ugu yaraan 10,000 oo qof oo ay ka mid yihiin 8,000 oo carruur dugsiyada dhiganaya ah.
Sido kale waxaa ardayda ka mid ah in ka badan 1,000 sannadkan u fariisanaya imtixaanada qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here