23.4 milyan oo Kenyaan oo la sheegay inay sabool yihiin

Warbixin cusub oo ay soo saartay shirkadda dowladda u qaabilsan uruurinta iyo keydinta macluumaadka ee KNBS ayaa lagu sheegay in saddex meelood hal meel Kenyaanka ay ku noolyihiin saboolnimo.
Warbixinta oo la soo saaray shalay ayaa tilmaamaysa in 15.9 milyan oo ka mid ah 44.2 milyan oo qof aynan haysan dhaqaale ay noloshooda si buuxda ugu dabbari karaan.
Waxay inta badan ku nool yihiin xaafadaha isku raranta iyo tuulooyinka.
Bil kasta waxay isticmaalaan wax ka yar 3,252 oo shilin halka tirada ay dhibaatadan haysata ee deeggan magaalooyinka waaweyn ay isticmaalaan 5,995 bishii.
Si guud in ka badan boqolkiiba 53 una dhiganta boqolkiiba 23.4 milyan oo qof ayaa wadanka oo dhan sabool lagu tilmaamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here