23 macallimiin ah oo lagu xiray Turkana

Ciidamada booliska ee magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkana ayaa gacanta ku dhigay 23 barayaal ah .
Macallimiintan ayaa lagu eedeyay inay jabiyeen amarka dowladda ee ah in dad badan aynan hal meel isugu tagin ama aan kulamo la qaban.
Taliyaha booliska ee bartamaha ismaamulka Turkana David Mburukua ayaa qabashada macallimiinta warbaahinta u xaqiijiyay.
Wuxuu sheegay inay ka mid ahayeen 61 qof oo la siinaya tababaro ku aaddan qaabka casharrada si online ah loogu bixiyo.
Dadkii kale ee tababarka qaadanayay ayaa goobta ka baxsaday.
Shakhsiyaadka la soo qabtay ayaa lagu wareejiyay mamaulka isbitaalka weyn ee Lodwar si loo geliyo karantiil khasab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here