24 ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ee Mombasa oo la tababaray

Barasaabka ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta Cali Xassan Joho ayaa sheegay in tababar ku aaddan la tacaalidda caabuqa coronavirus iyo cudurka uu sababo ee COVID-19 la siiyay 24 dhakhaatiir ah.
Sido kale dowladda ismaamulka Mombasa ayaa diyaarisay qeyb gaar ah oo qaadaysa 19 sariir oo loogu tala galay in lagu daaweeyo dadka uu cudurkan soo rito.
Xaruntaasi ayaa laga hirgeliyay isbitaalka weyn ee gobolka xeebta.
Sido kale laba ka mid ah isbitaallada heerarka afaraad ee Mombasa sida Tudor iyo Mvita ayaa bukaanka cudurkan lagu daaweyn doonaa.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa Cali Xassan Joho ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay.
Sido kale barasaabka ayaa xusay inay qasab tahay in loo hoggaansamo amarkii madaxweynaha ee ahaa in la xiro dhammaan xarumaha waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here