246 ah xaaladaha cusub ee corona oo maanta laga xaqiijiyay Kenya

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadanka laga xaqiijiyay kiisas hor leh oo ah kuwa cudurka COVID19 oo gaaraya 246.
Xaaladahan ayaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nairobi 78, Kajiado 24, Kiambu 22, Nakuru 20, Busia 17, Trans Nzoia 17, Machakos 16, Kirinyaga 12, Kisii 11, Kisumu 8, Mombasa 6, Embu 3, Garissa 2, Nyeri 2, Nyamira 1, Kakamega 1, Isiolo 1, Kitui 1, Kericho 1, Murang’a 1, Kilifi 1 iyo Tharaka Nithi 1.
78-da xaaladood ee caasimadda dalka ee Nairobi waxaa laga diiwaangeliyay deegaanka Starehe (17),Waqooyiga Dagoretti (10), Langata (7), Bariga Embakasi (5), Westlands (5), Bartmaha Embakasi (4), Kasarani (4), Kibra (4), Koonfurta Dagoretti (3), Galbeedka Embakasi (3), Makadara (3), Mathare (3), Ruaraka (3), Koonfurta Embakasi (2), Kamukunji (2) Roysambu (2) iyo Waqooyiga Embakasi oo hal ah .
Labada xaaladood ee ismaamulka Garissa waxaa laga helay magaalada.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska fayraska corona ee dalka ka dhigtay 32, 364.
Xaaldahan cusub ayaa soo baxay kaddib markii la baaray dheecaan dhan 4,179 .
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka laga helay cudurka ee maanta la shaaciyay ay isugu jiraan 238 Kenyaan iyo 8 ajaaniib ah.
Waxay da’doodu u dhaxaysaa canug dhallan hal sano iyo qof 87 sano jir ah.
Sido kale waxaa COVID19 u dhintay 6 qof oo dheeraad ah waxayna hadda dhimashada guud tahay 548 qof.
Ilaa iyo hadda gudaha dalka waxaa xanuunka kaga caafimaaday 18,670 kaddib markii ay bogsadeen 217 bukaan oo dheeraad ah.
Tiradan caafimaadday ayaa isugu jiro 178 qof oo lagu daryeelayay guriyaha iyo 39 lagu hayay isbitaallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here