25 qof oo lagu dilay dibadbaxyada ka socda dalka Ciraaq

Ciidamada ammaanka Ciraq ayaa maanta toogasho ku dilay ugu yaraan 25 qof oo dibad-baxayaal ah, magaalada Koonfureed ee Nassiriya.
Dhimashada dadkan ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen dibad-baxayaasha iyo ciidamada ammaanka oo doonayey inay ka saaraan laba ka mid ah buundooyinka ugu weyn magaalada.
230 qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay isku dhacyada, waxaana lagu warramayaa in qaar ka mid ah ay xaaladdooda halis tahay.
Dhinaca kale waxaa bandow lagu soo rogay magaalada Najaf kadib markii la gubay qunsuliyadda Iran ay ku leedahay halkaas.
Gubitaanka qunsuliyadda Iran ayaa sare u sii qaaday rabshadaha iyo dibad-baxyada ka socda wadanka Ciraq ,kuwaasi oo lagu doonayo in lagu rido dowladda dalkaas oo loo arko mid musuq maasuq, ayna taageerto Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here