25 qof oo u dhimatay caabuqa Shiinaha

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ilaa iyo hadda uu noloshoodu galaaftay caabuqa saameeyay dalka Shiinaha.
25 qof ayaa ilaa iyo hadda u dhimatay.
Tirada dadka uu saameeyay ayaa lagu sheegay ugu yaraan 830 qof.
Maamullada caafimaadka ee wadanka Shiinaha ayaa guda galay inay baaritaano ka sameeyaan iyadoo cidna aynan geli karin ama ka bixi karin 10 magaalo oo la rumeysan yahay inay arrintan si gaar ah u taabatay.
Caabuqa ayaa loo yaqaanaa coronavirus halka magaalooyinka si gaar ah baaritaanada looga sameynaya ay ku nool yihiin in ka badan 20.5 milyan oo qof.
Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay in caabuqa oo lala xiriirinayo xunuunada dhanka neefsashada uu xaalad degdeg ah u yahay Shiinaha hasa ahaate hadda ay tahay xilli hore oo aan lagu tilmaami karin musiibo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here