26 qof oo loo xiray xatooyo dhanka imtixaanaadka KCSE

Ilaa iyo hadda waxaa xabsiyada kala duwan loo taxaabay 26 qof oo ay ka mid yihiin arday.
Dadkan iyaga ah ayaa lagu eedeyay inay ku kaceen wax isadabamarino ku saabsan imtixaanadka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare (KCSE)
Waxaa laga soo qabtay dugsiga St Theresa halka booliska ay sido kale soo heleen 35 taleefoonada gacanta ah.
Madaxa waaxda dambi baarista ee deegaanada Starehe iyo Kamukunji ee magaaladatani Nairobi , Martin Mbaya ayaa arrintan warbaahinta u xaqiijiyay.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in la aqoonsaday mulkiilayaasha taleefoonada la qabtay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo ku lug lahaata xatooyo la xiriirta imtixaanada shahaaddiga ee ka socdo guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here