263 xaaladood oo coronavirus oo laga xaqiijiyay gudaha dalka

Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee Kenya ayaa gaartay 34,057 kaddib markii maanta wasaaradda caafimaadka ay shaacisay 263 xaaladood oo dheeraad ah.
Waxaa kiisaskan laga soo saaray baaritaano 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu sameeyay dheecaan dhan 4,424
Wasaaradda ayaa sheegtay in tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan cudurka laga baaray dheecaan ah 450,146
Mr. Mutahi Kagwe, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in dadka ugu dambeeyay ee cudurka laga helay ay isugu jiraan 83 haween iyo 180 rag ah.
Waxay da’doodu u dhexeysaa canug dhallan hal sano iyo qof 83 sano jir ah.
Dhanka ismaamullada marka la eego Nairobi waxaa laga diiwaangeliyay 81 xaaladood oo cusub, Kiambu (26), Embu(20), Makueni(18), Nakuru(15) iyo Nyeri (13) ah.
Kiisaska ugu badan ee Nairobi waxaa lagu arkay deegaanada Lang’ata, Starehe, Kibra, Makadara , Embakasi iyo Roysambu.
Taita Taveta iyo Busia waxaa laga kala xaqiijiyay min 10 kiis halka Mombasa iyo Garissa laga kala diiwaangeliyay 9 iyo 8 xaaladood.
Kajiado, Kisii iyo Kitui waxaa laga xaqiijiyay min 6 xaaladood oo cusub halka Tana River iyo Migori laga kala diiwaangeliyay 5 iyo 4 kiis oo hor leh.
Machakos, Lamu iyo Narok waxaa laga diiwaangeliyay min saddex xaaladood halka Kisumu , Baringo, Bomet, Laikipia, Meru iyo Murang’a mid kasta labo kiis laga xaqiijiyay.
Waxaa min hal xaalad oo cusub oo coronavirus ah laga xaqiijiyay ismaamullada Siaya, Vihiga, Isiolo iyo Kilifi.
Tirada dadka ee gudaha Kenya cudurka kaga caafimaaday ayaa gaartay 19,688 kaddib markii 98 qof ay bogsadeen.
Mr. Kagwe ayaa sheegay in 2 qof oo kale ay u dhinteen COVID19 tani oo dhimashada guud ka dhigtay 574.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here