DHAGEYSO:27 qof oo loo xiray iyaga oo aanan sidan maskaro ismaamulka Kakamega

Ugu yaraan 27 qof ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii aysan u hoggansamin tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynayo cudurka Covid-19.
Dadkan ayaa shalay laga qabtay deegaanka Galbeedka Mumias ee ismaamulka Kakamega.
Howlgal uu hoggaminayay guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan galbeedka Mumias Charles Wambugu iyo taliyaha booliska aaggaasi Paul Mengich ayaa shakhsiyaadkan lagu soo qabtay.
Mr Charles Wambugu ayaa sheegay in intooda badan la qabtay iyagoona aanan sidan maskarada sanka iyo afka lagu xirto.
Waxaa uu wacad ku maray in howlgalka ay sii wadi doonaan islamarkaana gacanta lagu dhigi doona kuwa aan hoggansamin tilmaamaha wasaaradda caafimaadka.
Dhanka kale dadka deegaankaasi ayaa waxay saraakiisha booliska ku eedeeyeen inay ku guuldareysteen inay tusaale u noqdaan dadweynaha, iyagoo xusay in saraakiisha amniga aysan iyagu quddooda u hoggaansamin tilmaamaha cudurka looga hortagaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here