Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dalka Dr Fred Matiangi ayaa amar ku bixiyay in muddo usbuuc ah lagu soo celiyo hubka aan sharciyaysneyn .
4000 oo hub oo aan sharciyaysneyn ayuu wasiirku sheegay inay haystaan dad badan.
Waxa uuna ugu baaqay dadka haysta hubka inay ku wargaliyaan saldhiga booliska ee ugu dhaw .
Dr Fred matiangi ayaa uga digay in dadka aan hubka ku soo celin mudada loo qabtay loola dhaqmi doono sida qof dambiile ah oo hubaysan.
Waxaa uuna intaasi ku daray in dowladda ay bilaabi doonto inay ugaarsato hubka sharci darada ah ee lagu haysto dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here