29 rakaba ah oo ku dhintay shil ka dhacay dalka Hindiya

Bas ay saaranaayeen 50 qof ayaa ka baxay wadada ka dibna rogmaday ,Waxaan ku dhintay 29 qof sida ay xaqiijiyeen booliska.
Shilka ayaa ka dhacay magalada Agra.
Darawalka baaburka ayaa laga shakisanyahay inay hurda la tagtay maanta xiliga uu waday baburka. Baburka ayaa saarnaa wadada Yumuna ee gobolka Uttar Pradesh.
Babaurka ayaa ka soo baxay magalada New Delhi wuxuuna ku wajahnaa Lucknow, caasimada gobolka Uttar Pradesh, Gobta uu shilka ka dhacay ayaa waxay New Delhi u jirta 200 KiloMitir.
Wadada wayn ee 165-ta Kilmitiri ah ayaa isku xirta Delhi ila Agra waana wadada ugu dheer ,waxaana ila iyo hadder ku dhintay 900 oo qof tan iyo markii xariga laga jaray sanadkii 2012-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here