296 qof oo gudaha dalka kaga bogsaday cudurka COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay cudurka COVID19 ka caafimaadeen 296 bukaan.
268 oo tiradan ka mid ah waxaa laga saaray isbitaallada kala duwan ee wadanka.
Tan iyo koowdii bishii Afaraad ee sannadkan waxaa Kenya COVID19 kaga caafimaaday 23,067 qof.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sido kale ku dhawaaqay saddex dhimasho oo dheeraad oo la xiriira coronavirus.
Dhimashada guud ee gudaha dalka ayaa hadda ah 622 waxayna tiradan u dhigantaa boqolkiiba 1.72 .
Mr.Kagwe ayaa shaaciyay in la xaqiijiyay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 188 kaddib markii la baaray 3,092 oo dheecaan ah.
Tirada guud ee kiisaska fayraska corona laga soo billaabo 14-kii bishii saddexaad ee sannadkan ilaa iyo maanta ayaa ah 36,157.
Dadka ugu dambeeyay ee uu cudurka haleelay ayaa isugu jiro 149 rag iyo 39 haween ah.
183 ayaa Kenyaan ah halka 5-ta kalena ay ajaaniib yihiin waxayna da’dooda u dhexeysaa qof labo sano jiro iyo 78 sano jir.
Xaaladaha cusub ismaamulka Mombasa waxaa laga diiwaangeliyay 43, Turkana (29), Trans Nzoia (27), Nairobi(23), Kiambu(10), Nakuru(7) , Kajiado(7).
Uasin Gishu , Kilifi iyo Embu min 5 xaaladood oo cusub ayaa laga xaqiijiyay halka Kericho, Kisumu iyo Taita Taveta laga soo sheegay min afar kiis oo cusub.
Kitui, Nyeri, Laikipia iyo Meru waxaa mid kasta laga helay labo xaaladood oo hor leh halka ismaamullada Narok, Machakos, Lamu, Samburu, Tharaka Nithi, Garissa iyo Kakamega min hal xaalad oo cusub laga xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here