3.9 milyan oo ay aruuriyeen Kenyaan Makkah ku tagay baskeli

Afar qof oo Kenyaan ah oo wadanka dib ugu soo laabtay kaddib safar ay ku tageen magaalada Makkah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya iyagoo adeegsanaya baskeli ayaa waxay sheegeen inay arruuriyeen dhaqaale gaaraya 3.9 milyan oo shilin.
Lacagtan iyada ah ayaa loo adeegsan doonaa in loogu deeqo dhameystirka daarta Al furqan ee magaalada Namanga iyo in sido kale lagu kafaala qaado carruur danyar ah.
Dadkan safarka galay ayaa ka ah Maxamad Zahir, Cissman Idrissa, Maxamad Salim iyo Anwar Mansur.
Hoggaamiyaha kooxdan Mr .Zahir ayaa hoosta ka xarriiqay in bartilmaameedsigoodu uu ahaa inay aruuriyaan 5 milyan oo shilin balse aynan taasi ku guulaysan.
Waxaa uu sheegay in safarkii ay galeen uu ahaa mid adag balse muhiimaddiisu leh.
Maalin kasta waxay soconayaan 100 kiilomitir waxayna sii socdeen 35 maalmood halka 10 cisho ah.
Marka la isku geeyo afartan qof ee Makkah tagay ee dib uga soo laabtay ayaa qaatay 80 maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here