3 askari oo saaka la qabtay ka dib markii lagu eedeeyay inay lacag ka dhaceen Lodge ku yaala xaafada Islii Nairobi

Ciidamada saldhigga booliska ee xaafadda Pangani ayaa saaka aroorti soo qabtay 3 sarkaal boolis oo ka howl gala saldhigga booliska ee kayole iyo nin udashay dalka kameeroon kadib markii ay lacag ka dhaceyn 2 nin soomaali oo ganacsata ah
Saraakiishaan ayaa dhacay lacag gaareyso 60 kun oo doolarka maraykanka oo udhiganto 6 milyan oo shilinka dalka ah waxayna Dhacdhadaan ka dhacaday hutel lodge ah oo lagu magacaabo Barwaqo oo ku yalla wadada sideedad ee xaafada isli
Saraakiishan ayaa lagu kala magacaaba Wilson Cheruiyot, Daniel Kipkorir, Alex Kandie iyo Jean Baptist Esome ayaa lagu helay 35,200 doolar oo u dhiganta (Sh 3,520,000) waxaana sidoo kale lagu helay 3 bistooladood iyo 45 rasaas
Booliisku ayaa dhanka kale sheegay inay ku raad joogan 2 nin oo kale oo la rumeysan yahay inay heystaan lacagta kale oo maqan oo ah 3 milyan .
Dhanka kale Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in 3 sarkaal la soo qabtay kuwaas oo ahaa kuwii lacagta dhacay.
Saaka mar aan booqanay huteelkii ay arrintani ka dhacday ayaa mid ka mid ah maamulka meesha inoo xaqiijiyay inay arrintani dhacday balse uu ka gaabsaday in codkiisa loo isticmaalo warbaahinta.
Arbacadi aan soo daafnay ayey ehed markii Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska gacanta lagu dhigay iyaga oo siday daroogo nooca xashiishka oo culeyskiisu dhan yahay 245 Kiilogram

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here