3 bilyan oo gunnooyin ahaan loo siinaya dhakhaatiirta

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa soo saartay lacag dhan 3.4 bilyan oo shilin oo loogu talagalay howlwadeenada safka hore kaga jiro la tacaalidda cudurka COVID19.
Lacagtan ayaa ah gunnooyin ay qaadanayaan saraakiisha caafimaadka ee ku dadaalaya inay badbaadiyaan nolosha dadka uu soo ritay cudurka.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka Susan Mochache ayaa arrinkan warbaahinta u xaqiijisay.
Waxay sheegtay in deeqdan ay ka mid tahay kuwa degdegga ee ay helayaan waaxyaha iyo heerarka kala duwan ee dowladda.
Ismaamullada ayaa lagu wareejinaya 2.3 bilyan oo dhakhaatiirta loo qoondeeyay iyo 20 milyan oo dheeraad oo howlwadeenada caafimaadka lagu taageeraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here