3 ka mid ah xubnaha xisbiga talada haya ee India oo weerar lagu dilay

Weerar ka dhacay gobolka Kashmiir ayaa waxaa ku dhintay saddex xubnood oo ka tirsanaa xisbiga haya hoggaanka wadanka India ee BJP
Falkan ayaa looga shakisan yahay fallaago gooni u goosad ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa labo maalmood un kaddib markii shuruuc cusub oo dhanka dhulalka ah laga soo saaray Kashmiir.
Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa qoraal uu soo dhigay barta twittarka ku cambaareeyay weerarka .
Xubnaha la dilay ayuu ku tilmaamay da’ayar si habsami leh uga shaqeynayay gobolka Kashmiir wuxuuna xusay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cidii falkan ka dambeysay.
Xisbiga uu ka tirsan yahay Narenda Modi ee BJP ayaa dilka dhacay ku tilmaamay mid argagixisanimo oo badhownimo laga dheehan karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here