3 milyan oo qof oo ay suurtagal tahay inuu coronavirus ku saameeyay Kenya

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaaca ka qaadday inay suurtagal tahay in saddex milyan oo qof uu gudaha wadanka ku haleelay caabuqa corona.
Waxaa arrinkan sheegtay xoghayaha sare ee wasaaradda u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi.
Mwangangi ayaa tiradan u aaneysay in boqolkiiba 7.9 ee dadka la baaray laga helay cudurka COVID19.
Dr .Mwangangi ayaa intaa ku dartay in Kenya aynan weli hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka helin xaqiijin ah in kiisaska coronavirus ay hoos u dhaceen.
Gudaha dalka waxaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay kiisaska cudurka COVID19 oo gaaraya 31,441.
Sido kale waxaa cudurka ka caafimaaday 17,869 oo qof halka dhimashadu ay tahay 516.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here