3 Qof oo ku Dhimatay Dab ka Kacay Xaafadda Kariobangi

Dab ka kacay guri  ku yaalla   xaafadda   Kariobangi  South ee magaaladatani  Nairobi ayaa waxaa ku dhintay  saddex qof oo uu ka mid yahay  canug hal sano jir ah.

Saddexda qof ayaa dhammaan  ka  wada tirsan hal qoys.

Taliyaha booliska ee  caasimadda dalka ee Nairobi   ,Philip Ndolo  ayaa  warbaahinta u sheegay  in laba qof  oo kale  oo ay dhaawacyo soo  gaareen  la geeyay  isbitaalka qaran ee Kenyatta  si loo  daaweeyo.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay  dabka  xalay  gurigaasi qabsaday in kastoo baaritaano dhacdadan ku aaddan  ay socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here