3 Qof oo ku Dhimatay Shil Gaari Wadada isku Xirta Nairobi iyo Mombasa

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay dhimatay , kadib shil baabuur oo ka dhacay aagga Kenani meel u dhow Mtito Andei oo ku taalla waddada isku xirta Nairobi-Mombasa.

Shilkan ayaa waxaa xaqiijiyay , Taliyaha Bilayska Gobolka Makueni Joseph Napeiyan waxaa uuna sheegay in shilka uu dhacay ka dib markii baabuur saloon ah, isaga oo ku sii socday Nairobi oo ka yimid Mombasa ay isku dhaceen gaari kale

Dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa darawalkii kaxaynayay baabuurki saaloonka ahaa.

Sdio kale dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa loo qaaday isbitaalka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here