3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Bomet

Shil ka dhacay wadada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Bomet iyo Sotik ayaa waxaa ku dhintay saddex qof.
Waxay dhaawacyo soo gaareen 9 qof oo kale oo lagu daaweynaya isbitaalka Tenwek .
Taliyaha booliska ee bartamaha Bomet Musa Omari ayaa sheegay in shilkan oo u dhexeyay mataatuu iyo baabuur shakhsi uu dhacay galinkii dambe ee shalay.
Wuxuu intaa ku daray in darawalkii kaxeynayay mataatuuda uu goobta ka baxsaday oo ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan.
Gaariga mataatuuda oo ay leedahay shirkadda Egesa ayaa ka soo safray Kisii wuxuuna ku soo wajahnaa Nairobi halka baabuurka kale uu u jeeday deegaanka Kaplong.
Meydadka saddexda qof ee shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Longisa ee ismaamulka Bomet.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here