3 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday bus ay dad saarnaayeen ismaamulka Lamu

Seddax qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar lagu qaaday Bus ay leedahay shirkada Mombasa Raha kaasi oo ka soo baxay Mombasa kuna wajahnaa ismamaulka Lamu.

Rag Hubaysan oo loo malaynayo inay ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday bus ay dad saarnaayeen kaas oo marayay deegaanka Nyongoro ee ismaamulka  Lamu.

Rakaab kale oo saarnaa baabuurkii la weeraray ayaa dhaawac soo gaaray halka dad kalena la la’yahay halka ay jiraan balse laamaha ammaanka ayaa sheegay inay raadinayaan tirade rasmiga ah ee saarka gaarika.

Dhacdadan ayaa waxaa ay dhacday abaare 12-ka duhurnimo ayaa lix saac ee maanta waxaana xaqiijiyay laamaha ammaanka.

Dadkii kale eek u dhaacwamay weerarkan ayaa loo kala qaaday isbitaalada Garsen iyo Witu.

Ciidamada booliska ayaa sheegay inay ku daba jiraan dabaylaydii weerarka fulisay oo la aaminsan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan keynta Boni Forest oo looga shaki san ayahy inay kooxda Al Shabaab hoy u tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here