3 sarkaal oo boolis ah oo loo xiray daroogo ay wadeen

Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa gacanta lagu dhigay iyaga oo siday daroogo nooca xashiishka ah iyo alaaba kale.
Askartan ayaa lagu qabtay ismamaulka Kitui waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Japhet Fondo, Bob Otieno iyo Michael Mwangi .
Ciidamada ayaa qabtay koox ka tirsan laamaha ammaanka iyaga oo marayay suuqa Kanyonyoo ee wadada weyn isku xirta Garissa iyo Thika.
68 Xashiish ah oo culeyskiisu dhan yahay 245 Kiilogram iyo lacag kaash ah oo gaaraysa 239,500 ayaa laga helay gaarika ay la socdeen ciiidamadaasi.
Sido kale waxaa ay wadeen lorar bariis ah ,digir iyo sokor.
Laamaha ammaanka ayaa hadda wada baaritaano ka dhan ah halka ay ka yimaadeen alaabahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here