30 qof oo ku dhaawacmay wadada u dhaxeysa Nairobi iyo Mombasa

Shil saaka ka dhacay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa waxay dhaawacyo ka soo gaareen ilaa 30 qof oo 6 ka mid ah ay xaaladooda halis tahay.
Dadkan ayaa saarnaa bas marayay goobta loo yaqaano Manga ka hor inta uunan ku dhicin mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee magaalada Voi, Bernstein Shari.
Mr. Shari ayaa xusay in 24 qof oo dhaawacyadoodu ay fududyihiin la geeyay isbitaalka weyn ee Moi .
Wuxuu intaas ku daray inay suurtagal tahay in dhaawaca aadka u daran loo sii qaado ismaamulka Mombasa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Mr .Shari ayaa sido kale sheegay in baska shilka galay ay leedahay shirkadda Chania Genesis oo uuna ku wajahnaa Mombasa.
Waxaa goobta ka baxsaday oo weli ciidamada ammaanka ay raadinayaan wadayaashii gawaarida isku dhacay.
Taliyaha ayaa wadayaasha baabuurta ugu baaqay inay aad u taxadaraan oo ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda waddooyinka.
Dhanka kale hal qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay ismaamulka Bomet halka 2 kalena ay dhaawacmeen.
Shilka ayaa u dhaxeeyay mid ka mid ah baabuurta nooca Toyota Probox iyo mooto.
Waxaa dhacdadan laga soo tabiyay goobta loo yaqaano Ngererit ee ku taalla wadada isku xirta degmooyinka Mogogosiek iyo Litein.
Taliyaha booliska ee deegaanka Konoin ,Mr Shikondi ayaa sheegay in baaritaano arrinkan ku aaddan la guda galay.
Waxaa uu gaadiidleyda iyo dadweynaha labaduba ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan gaar ahaan xilligan oo ay shilalka waddooyinka sare u kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here