30 qof oo ku dhimatay dhul go’o saameeyay Chad

Wararka naga soo gaaraya dalka Chad ayaa sheegay in ilaa 30 qof la xaqiijiyay inay dhinteen kaddib dhul go’o saameeyay goob macdanta laga soo saaro.
Wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi ayaa arrinkan warbaahinta u xaqiijisay.
Wasiirka wasaaradda difaaca ee Chad Mahamat Sala ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhibaatadaasi ay ka dhacday waqooyiga galbeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in goobta oo laga soo saaro dahabka oo xigta dhanka xadka Liibiya ay duntay sidaasi awgeedna ay suurtagal tahay in meydad dheeraad ah la helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here