30 qof oo lagu xiray dalka Myanmar

Saraakiisha ammaanka ee dalka Myanmar ayaa xabsiga u taxaabay 30 qof oo ka tirsan bulshada muslimiinta ee laga tirada badanyahay ee Rohingya.
Dadkan oo la qabtay xilli ay u safrayeen magaalada Yangon ayaa lagu eedeyay inaynan sidan dokumeentiyada muhiimka ah ee laga doonayo waxaana ka mid ah canug shan sano jir ah.
Waxay ka mid ahayeen boqolaal kun oo qof oo ku jiray xerooyin ku yaalla gobolka galbeed ee Rakhine.
Toddobaadkii ka hor ayay ahayd markii xabsi muddo laba sano ah lagu xukumay 21 qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya.
Agaasimaha hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch u qaabilsan qaaradda Aasiya Brad Adams ayaa sheegay in 30-ka qof ee la qabtay loo ciqaabayo oo keliya inay ka carareen arxaan darro maalinla ah oo sanado badan loo gaysanayay.
Waxaa uu intaasi ku daray in shakhsiyaadka xabsiga lagu xukumay aan xita fursad loo siin inay helaan qareeno u doodo.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii howlgallo milatari oo Rakhine laga fuliyay ay ugu yaraan 740,000 oo qof ku barakaceen waxayna u carareen dhanka wadanka Myanmar dariska la ah ee Bangladesh.
Qaramada midoobay ayaa tallaabada ciidamada ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan iyadoo si weyn loo cambaareeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Myanmar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here