300 kun oo arday oo laga yaaba inay waxbarasho la’aan ku dhacdo

In kabadan 300,000 oo arday ah ayaa laga yaabaa inay seegaan goobihi ay wax ku baran lahaayeen marka dugsiyada dib loo furo sannadka 2021-ka madaama dugsiyada sida gaarka loo leeyahay ay soo wajahday caqabad ka dhan ah cudurka saf-marka ee Covid_19 waxaana dhici karto in qaar kood inay sii xirnaadaan.
11,000 oo ah xarumaha waxbarashada gaarka loo leeyahay ayuu cudurka sameeyaay waxaana badankood ku adkaatay bixinta mishaaraadka macalimiintooda.
Ururka Iskuulada sida gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa dhawaan sheegay in ka badan 1,000 machadyo ee waxbarasho laga yaabo in aysan awood u laheyn in ardaydii goobahaasi wax ka baraneesay aysan dib dugsiyadaasi ugu laaban sannadka soo socda.
Dugsiyada qaar ayaa la xiray kaddib markii laga saaray dhismahii wax ku barayeen taas oo aysan bixin kirada halka qaar kale ay waayeen shaqaale maadaama ay ku adkaatay bixinta mishaaraadkooda.
Madaxa fulinta ee ururka iskuulada sida gaarka loo leeyahay Peter Ndoro ayaa sheegay in 109 dugsi aysan ku noqon doonin goobihi waxbarashada.
Waxa uu dhanka kale sheegay in maareynta howlaha xarumahan ay ku xiran yihiin lacagta fiiska ee ay walidiinta bixiyaan taas oo uu xusay in musiibadan hadii ay sii jirto ay la micno tahay in dugsiyadan aynan sii shaqeyn doonin.
Bishii Maarso ee sannadkan ayey ahayd markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amray in dhammaan xarumaha waxbarashada la xiro si loo yareeyo faafitaanka cudur sidaha coronavirus .
15 milyan oo ah arday wax ka barata xarumaha kala duwan ee waxbarshada ayaa hadda ku sugan guryahooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here