300 oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Libya

Dadka la soo badbaadiyay

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Libya ayaa soo bad baadiyay 300 oo muhaajiriin sharci darro ah waxaana dib loogu soo celiyay caasimadda Tripoli sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga.
Hay’adda ayaa shaacisay in labo qof ay dhinteen isla markaana la helay meydadkooda.
Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM ayaa war qoraal ah ku sheegaty in 48-dii saacadood ee la soo dhaafay ugu yaraan shan doomood oo siday ku dhawaad 400 oo qof ay isku dayeen inay ka cararaan Liibiya.
Tan iyo sannadkii 2011-kii dalka Libya ayaa waxaa ku soo qul qulayay kumanaan muhaajiriin ah oo isku dayay inay u talaabaan qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here