Iiraan oo iska fogeysay eedeyn ah inay ka tallaabsatay heshiiskii Nukliyeerka

Dowladda Iiraan ayaa gaashaanka u daruurtay eedeyn uga timid Maraykanka taasi oo lagu sheegay in xukuumada Tehraan aynan u hoggaansamin heshiiskii ay wadamada ugu awoodda badan caalamka la saxiixatay sannadkii 2015-kii.
Heshiiskaasi ayaa dhigayay in iiraan ay meesha ka saarto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka si xayiraado saarnaa looga qaado.
Eedeynta uu Maraykanka dusha uga tuuray iiraan ayaa timid kaddib markii dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Ruuxaani ay sheegtay inay sare u sii qaadayso heerka kiimikada uranium oo uu noqon doono mid ka badan kii lagu heshiiyay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee iiraan Maxamad Javad Zarif ayaa qoraal uu soo dhigay twitarka ku sheegay inay tahay wax aan la qaadan Karin in iiraan lagu eedeymo ama looga shakiyo inay heshiis la galay ka tallaabsato

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here