309 kiisas cusub oo coronavirus oo maanta la shaaciyay

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta shaacisay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la baaray dheecaan gaaraya 4,228 oo 309 qof laga helay cudurka COVID19.
Tan iyo markii bishii saddexaad gudaha wadanka lagu arkay fayraska corona waxaa la baaray dheecaan dhan 189, 263 .
Tirada guud ee xaaladaha COVID19 ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha Kenya ayaa ah 7,886.
Waxaa maanta lagu dhawaaqay in 51 qof oo dheeraad ah ay cudurka ka bogsatay tani oo tirada dadka caafimaaday ee isbitaallada laga saaray ka dhigaysa 2,287.
Hal qof oo kale ayaa u dhintay cudurka waxayna hadda dhimashada guud tahay 160
Toddobo ka mid ah dadka ugu dambeeyay ee uu cudurka haleelay ayaa ajaaniib ah halka inta kalena ay Kenyaan yihiin.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in kiisaskan cusub laga xaqiijiyay 37 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
10 ismaamul ayaa laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee maanta la sheegay waxayna kala yihiin Nairobi, Mombasa, Narok, Busia, Nandi, Nakuru, Kajiado, Kisumu, Turkana iyo Makueni.
Nairobi waxaa laga diiwaangeliyay 193 xaaladood , Kajiado 22, Kiambu 20, Mombasa 18, Makueni 17, Busia 11, Machakos 9, Nakuru 8, Nandi 3, Turkana 3, Narok 2, Nyandarua 1, Kakamega 1 iyo Kilifi, 1.
Nairobi xaaladaha cusub waxaa laga xaqiijiyay deegaanka Langata 56, Kibra 18, Westlands 15, Waqooyiga Dagoretti 13, Kasarani 13, Ruaka 12, Bariga Embakasi 11, Galbeedka Embakasi 11, Makadara 10, Starehe 10, Koonfurta Embakasi 6, Kamukunji 6, Roysambu 5, bartamaha Embakasi 4, Koonfurta Dagoretti 1, Waqooyiga Embakasi 1 iyo Mathare 1.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 309-ka qof ee maanta la shaaciyay in cudurka COVID19 laga helay 217 ay rag yihiin 92 ay haween yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here