31 maxaabiis ah oo la soo saaray kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19

Xabsiga Langata

Saraakiisha caafimaadka ayaa xabsiga Nairobi Remand Prison ka soo saaray 31 qof oo ka mid ah dadka halkaas ku xiran kaddib markii laga helay cudurka Covid-19.
Guddoomiyaha guud ee xabsiyada dalka ,Wycliffe Ogallo ayaa sheegay in maxaabiista la geeyay isbitaallo kala duwan si loo daweeyo.
Natiijadan ayaa soo baxday kaddib baaritaan lagu sameeyay dheecaanka 59 maxaabiis oo ku jiray rumaanka ku waas oo looga shakisanaa cudurka.
Kooxda gurmaadka degdega ee loo xilsaaray ka hor tagga iyo la tacaalidda cudurkaan ee magaalada Nairobi ayaa bukaanadan ka daadgureeyay xabsiyada .
Dhanka kale Guddiga Adeegga Maxaabiista dalka ayaa xaqiijiyey in dhammaan maxaabiista hadda xabsiga ku jira ay bad qabaan.
Dhawaan ayey ahayd markii dowladda ay xabsiyada ka siidaysay 3,837 oo maxaabiis ah si looga hor tago faafitaanka cudurka covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here