DHAGEYSO:50 qof oo ka safray Nairobi oo lagu karantiilaya Garissa

Waaxaa karantiil Khasab ah la geliyay ilaa 50 qof oo ka safray magaaladatani Nairobi kuwaasoo isku dayay inay gudaha u galaan Garissa.
Dadkan ayaa la qabtay labadii maalmood ee la soo dhaafay waxayna karantiil ku jirayaan 14 cisho.
Laba toddobaad ka hor ayuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay inaan laga safri Karin sido kalena la soo geli karin Nairobi , Mombasa, Kilifi iyo Kwale.
Wasiirka caafimaadka ee ismaamulka Garissa, Axmednadir Cumar ayaa idaacadda Star FM arrinkan uga warramay

Waxaa gacanta lagu dhigay abaare saqdii dhexe Axadii la soo dhaafay waxaana isla markiiba la geeyay goob karantiil.
Galinkii dambe ee shalay ayaa sido kale la qabtay bas siday 27 qof oo rakaab ah oo ka ambabaxay magaalada Mwingi.
Dadkan ayaa caasimadda dalka uga safray baabuurta yaryar si ay baska uga raacaan Mwingi.
Wasiirka ayaa shacabka u sheegay in tallaabooyinka Dowladda ay yihiin kuwo lagu badbaadinayo nafta muwaadiniinta sidaas awgeedna la doonayo in loo hoggaansamo.
Mr. Nadiir ayaa intaa ku daray in cid kasta oo looga shakiyay inay ka safartay ismaamullada Nairobi, Kilifi, Kwale iyo Mombasa oo Garissa tagtay karantiil Khasab ah la gelinaya halka qarashaadka ku baxaya uu qofkaas dusha saaranaya.
Marka uu karantiilka u dhammaado ayaa maxkamadda la geynaya si loogu oogo dacwad ah inay halis geliyeen nolosha shacabka.
Guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Garissa ,Meru ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan leesinka lagala laabanaya shirkadda baska rakaabka qaaday.
Waxaa uu Mr. Mwangi ku nuuxnuuxsaday in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadaya cid kasta oo aan u hoggaansamin amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here