Guddoomiyaha Garissa oo cambaareeyay fal qof xoolo dhaqata ah loogu gaystay Ijara

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa qoraal uu soo dhigay barta twitarka waxaa uu ku cambaareeyay fal arxaan darro ah oo qof xoolo dhaqata ah loogu gaystay deegaanka hoose ee Sangailu ee Ijara.
Falkaasi ayaa ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta lagu eedeyay inay ku kaceen.
Cali Bunow ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xadgudubka ka dhanka ah xuquuqul aadanaha ee dhacay uu ku wargeliyay taliyaha guud ee militariga dalka Generaal Samson Mwathethe oo ballanqaaday inuu tallaabo degdeg ah qaadayo.
Qaar ka mid ah wakiilada laga soo doortay deegaanada hoos ee ka tirsan Ijara oo arrinkaasi ka hadlay ayaa dareenkooda iyo waxyaabaha ay dowladda ka dalbanayaan sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here