Maraykanka oo dhaqangalinaya cunaqabateyntii saarneyd Iiraan

Maraykanka oo dhaqangalinaya cunaqabateyntii saarneyd Iiraan
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabataynihii Qaramada Midoobay hore u saartay Iiraan dhamaantood ay dhaqan gal yihiin.
Waxaa uu sheegay in uu ku rajo weynyahay in dhamaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay u hoggaasami doonaan dhaqangalintan.
Wadamo badan ayaa maraykanka arrintan kaga soo horjeestay iyagoona ku eedeeyay Maraykanka in qudhiisu uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iran uu la galay 2015-kii.
Tan ayaana sii hurin doonta xiisadii soo jirtay ee u dhaxaysay Maraykanka iyo dowladda dalka Iiraan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here