32 ka mid ah ismaamullada dalka oo uu sameeyay cudurka covid-19

Sawir wacyigelin

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in ilaa iyo hadda kiisaska cudurka covid-19 laga xaqiijiyay 32 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
Galinkii dambe ee shalay ayuu wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ku dhawaaqay in la diiwaangeliyay kiisas cusub oo dhan 147.
Tani ayaa tirada guud ee ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay ka dhigaysa 1,618 xaaladood oo coronavirus ah.
Waxaa tirada kiisaska ugu badan caasimadda dalka ee Nairobi oo ilaa iyo hadda laga soo tabiyay 835 xaaladood waxaana soo raacda Mombasa oo ah 490, Kajiado (65) iyo Kiambu (39)
Wasiirka oo shacabka kula hadlay isagoo ku sugan ismaamulka Kiambu ayaa arrin walaac laga muujiyo ku tilmaamay in kiisaska cudurka ee gudaha dalka ay sii kordheen.
Mr. Kagwe iyo dhigiisa wasaaradda warfaafinta Mr. Joe Mucheru ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ka dhan ah cudurka covid-19.
Waxay labaduba Kenyaanka ku booriyeen inay u dhaga nugaladaan baaqii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee ahaa in qof kasta uu ka hor tagga cudurka iska saaro mas’uuliyad shakhsiyeed.
Gudaha dalka waxaa covid-19 ugu dhintay 58 qof waxaana ka bogsaday 421.
Tani iyo markii cudurka lagu arkay gudaha wadanka waxaa baaritaano lagu sameeyay dheecaanka dad gaaraya 70172.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here