32 qof oo COVID19 kaga bogsaday Ismaamulka Turkana

Wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Turkana ayaa sheegtay in tan iyo bishii shanaad ee sannadkan 32 bukaan oo uu soo ritay cudurka COVID19 ay caafimaadeen
Waxaa xarumo kala duwan lagu hayaa 30 bukaan oo dheeraad ah.
Wasiirka caafimaadka ee dowladda hoose ee Turkana Jane Ajele ayaa sheegtay in bukaannadan oo ku kala jiro xarumaha gaarka ah ee Kakuma iyo Kanam Kemer ay xaaladooda caafimaad soo hagaagayso.
Ms Ajele ayaa dhanka kale walaac ka muujisay cudurka oo bulshada dhexdeeda ku sii faafaya tani iyo markii howlaha gaadiidka dib loo furay.
Waxay intaa ku dartay in kiisaska qaar lagu arkay dad ka yimid dhanka Suudaanta Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here