35 Muslimiin ah oo ku dhintay shil ka dhacay Sacuudi Carabiya

Dad muslimiin ah oo gaaraya ila 35 qof ayaa dhimatay ,afar kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari Bas ah oo ay la socdeen dad rakaab ah oo maraayey wadada u dhexeysa Maka iyo Madiina uu ku dhacay gaari kale oo ah kuwa xamuulka.
Dadka ku dhintay shilkan ayaa ka safrayey Medina una socday Makkah, si ay usoo Cumrah gutaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyey isbitalka Al-Hamna waxaana la bilaabay baaritaan.
Wargeyska Okaz ee Sacuudiga ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen ajaanib ku nool Sacuudiga oo soo Cumrah gudanayey.
Barasaabka gobolka Medina, Amiir Faisal bin Salman ayaa tacsi u diray ehellada dhibanayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here